Xasan Sheekh oo markii ugu horreysay faah faahiyay sababta uu Muqtaar Rooboow ugu soo daray dowladdiisa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreeysay shaaciyay sababta uu dowladdiisa ugu soo daray in uu kamid noqdo Muqtaar rooboow oo ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya, kaas oo mar kamid ahaan jiray hoggaamiyeyaasha ugu sareeya Ururka Al-Shabaab.

Wareysi uu siiyay Wargeyska The Guardian ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu ku qancin karo qaar ka mid ah asxaabtiisii hore inay kasoo goostaan Ururka Al-Shabaab.

“Waxaan rabnaa inaan tusno hoggaanka Al-Shabaab in haddii ay isa soo dhiibaan aan la bahdilin doonin, aan si xun loola dhaqmin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray Madaxweynaha in Muqtaar Rooboow uu habab isgaarsiineed la sameeyay xubnaha dhexdhexaadka ah ee katirsan Al-Shabaab, isla markaana uu ku dhiiro geliyay inay isaga soo tagaan, taasina ay tahay qorshaha kaliya ee dowladdiisu ugu adkaan karto Al-Shabaab.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur ayaa isku soo dhiibay dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse ay markii dambe kasoo xirtay Magaalada baydhabo, xilli uu u sharaxnaa xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana hadda uu kamid yahay golaha Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xame Cabdi Barre

Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur ayaa horay u sheegay in sababta uu uga soo tegay Al-Shabaab ay tahay markii uu arkay dhibaatada ay dadka Soomaliyeed kuhayaan mudada 15-ka sano ah, iyada oo ay xusid mudan tahy in uu Al-Shabaab dagaal kula galay meelo kamid ah gobolka Bakool.