Xasan Sheekh Oo Qoraal Kasoo Saaray Arrin Halis Ah oo Ku Gadaaman Dastuurka Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in muddada dhaqan galka dastuurka KMG ee dalka uu la dhammaanayo muddo xileedka Baarlamaanka 10-aad, xili shaqada Baarlamaanka ay ka harsan yihiin maalmo kooban.

Xasan Sheekh oo kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa Qoraal u diray Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoonka labada Aqal ayaa ku wargeliyay in muddada dhaqan galka dastuurka KMG uu la dhamaanayo muddo xileedka Baarlamaanka.

Musharax Xasan Sheekh ayaa ka digay in dalka Soomaaliya uu dastuur la’aan noqdo, isla markaana waxaa uu baaq u diray Madaxda sare ee dalka, maadaama duruufaha jira aysan suurtagal ahayn in dastuurka afti dadweyne lagu meel-mariyo.

Qoraalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo aad u dheer ayaa lagu sheegay in Afartii Sano ee uu xilka haayay ay suurteli weysay duruufo jira iyo sababo amni in Dastuurka la ansixiyoo, balse si loo badbaadiyo uu Baarlamaankii 10aad waxka bedel ku sameeyay qodobka 138aad, kaas oo dib loogu dhigay ansixinta kama dambeysta ah ee dastuurka KMG ah, intaasi kadibna uu saxiixay Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baqay in Baarlamaanka labada Aqal ay isugu yimaadaan kulan wadajir ah oo deg deg ah, kaas oo dib loogu dhigayo ansixinta kama dambeysta ah ee Dastuurka KMG ah, isla markaana Baarlamaanka 10aad uu u gudbinayo waajibkaas  baarlamaanka 11aad si afti daweyne loo qabto.