Xasan Sheekh oo sheegay in Farmaajo uu ka baxay hal sheey oo heshiis lagu ahaa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay munaasabad ay ka dhacday dalka TUrkiga waxana uu sheegay in loo baahan yahay in xilka madaxweynaha aan la isku dhajin oo la aqbalo in doorasho ka dhacdo dalka afartii sano mar.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankan ka sheegay in subaxnimadii 8da Febraayo 2017 uu ka soo toosay gurigiisa isagoo madaxweyne ah habeenkiina u hoyday oo uu seexday isagoo aan Madaxweyne ahayn.

“8-dii Febaraayo 2017-kii waxa aan gurigeyga kasoo kacay aniga oo ah Madaxweyne balse habeenkii waxa aan laabtay aniga oo aan ahayn Madaxweyne,si wanaagsana waan u seexday ee ma aha in la isku dhajiyo xilka haddii mudada kaa dhamaato” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxweynaha ayaa kulankan ka sheegay in Soomaalidu ay ku heshiisay in afartii sano mar la qabto Madaxweyne,balse aysan ku heshiin in qof uu iska hayo xilka afar sano ka badan.

“Dalka waxaa lagu heshiiyay in afartii sanno mar doorasho dhacdo, Kursiga Madaxweynaha waa mid kawada dhaxeeya guud ahaan Soomaalida, balse ma aha in uu qof iska joogo, islama qaadan in uu qof iska fadhiyo meesha” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in uu markale qabto xilka Madaxtinimada dalka.