Xeer-Ilaalinta Oo Soo Gaba-Gabeysay Baarista Dacwad Loo Heysto Hay’ad Laga Mamnuucay Dalka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo gabo-gabeeyey baarista Gal-dacwadeedka Hay’adda SAHAN RESEARCH oo Dowladda Soomaaliya horay uga mamnuucday in ay Dalka ka shaqayso.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa bartiisa Twitter-ka ku qoray in ay Dacwadda hay’adan dhawaan ay u gudbin-doonan Maxkamadda Gobolka Banaadir si ay u qaado tallaabooyinka ku habboon ee sharciga ah.

“Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu soo gabo-gabeeyey baarista Gal-dacwadeedka SAHAN RESEARCH, wuxuuna u gudbinayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir si ay u qaado tallaabooyinka ku habboon ee sharciga ah” ayuu yiri Sulaymaan Maxamed.

SAHAN ayaa Dowladda Soomaaliya ay horay  ugu eedaysay fal danbiyeedyada liddi ku ah qaranimadda Soomaaliya, faragalinta siyaasadda dolwadda curyaaminta haylkalka Dowladdnimo, faafinta siraha amniga Dalka iyo Qodobo kale waxaa iska leh Matt Bryden oo mar madax ka so noqday kooxda UN Monitoring Group ee Soomaaliya iyo Eritrea.