Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo soo farageliyey Magacaabista Sheekh Mukhtar Roobow

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul wasaare Xamza iyo Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Sheekh Mukhtar Roobow oo ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa shir uga socdaa Villa Somalia.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xafiiska Xeer Ilaalinta ay soo saari doonto warqad dambi la’aan ah oo si buuxda ugu ogolaaneysa xoriyadda Mukhtar Roobow si sharci u noqoto magacaabistiisa wasiirnomo.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub oo qaadatay muddo dheer balse maanta ayaa la qorsheynayaa in la soo gabababeeyo.

Sheekh Mukhtar Roobow ayaa waxaa uu noqon donaa maxbuuskii ugu horreeyey ee Soomaali ah isagoo xabsi ku jira loo magacaabo xil wasiir.