Xiisad u dhaxeeysa Xukuumadda & mucaaradka Somaliland oo ka taagan Hargeysa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa sii xoogeysanaya xiisadda u dhaxeeysa Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada mucaaradka, kaas oo salka ku haaya muddo kororsi lagu eedeeyay Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi .

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa dhawaan iclaamiyay dibadbax ay kaga soo horjeedaan muddo kororsiga, waxaana Xukuumadda ay ku billowday cadaadis iyo inay ka hortagto dibadbaxaas.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xalay Xabsiga dhigay Milkiilaha Maqaayadda SIMA Axmed Sayid Heybe Nuur ,halkaas oo xalay ay Bulshada kula damaashaadeen Guddoomiyaha Xishiga WADANI Cabdiraxmaan Ciro iyo Xubno kale oo katirsan Ciidamada Mucaaradka.

Guddoomiye Cirro oo ka hadlay xariga Milkiilaha Maqaayadda SIMA ayaa yiri” Waxa ayaan darro ah in xorriyadiisana laga qaado oo xabsigana loo taxaabo Mudane Axmed Sayid Haybe Nuur oo ah Mulkiilaha meheradda SIMA ee aan shaaha ka cabnay anniga iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo saraakiil sare oo Xisbiga rejada Shacabka ka tirsan. Dabeysha Isbeddelka Shacabku hoggaaminayo ee doorasho doonka ahi kuma joogsaneyso xadhigga muwaadinka meheraddiisa aanu caawa shaaha iyo sheekada kula wadaagnay dadweynaha caasimadda deggan ee doonistooda iyo dareenkoodaba muujinayey.

Guddoomiye Cirro ayaa sidoo kale sheegay markale inay qabanayaan dibadbaxa uu isaga hoggaamin doobo, isla markaana aysan jiri karin cid hor-istaagi karta.

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Xukuumadda Somaliland ay Ciidamo farabadan dhoobtay waddooyinka si ay uga hortagto dibadbaxa ay qorsheeynayaan Xisbiyada Mucaaradka.