Xiisadda dagaalka ee Ahlu Sunna iyo Galmudug oo sii xoogeysatay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xiisadda Maamulka Galmudug kala dhaxeysa Hoggaanka Ahlu Sunna ayaa u muuqato mid sii xoogeysatay, ka dib is casilaadda Wasiirkii Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo Madaxweynaha Galmudug ku eedeeyay inuu diiday in fursad la siiyo dadaalada lagu xalinayo khilaafka.

Nabadoon Cabdi Macalin Cali Xaashi oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Guriceel ayaa wax aad looga xumaado ku tilmaamay in la barakiciyo dadka deegaanka.

“Dadka rayidka ah inuu barakaco oo xilligan lagu dul dagaalamo oo xabado ka dul dhacaan, oo hooyada iyo dadka waayeelka ah ay barakacaan waa wax aad looga xumaado,” ayuu yiri Nabadoon Cabdi Macalin Cali Xaashi oo la hadlay BBC.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Ciidamo ayay dowladdu ku soo daad-gureynaysaa Dhuusamareeb, ciidankaas oo Gorgor, Haramcad iyo Duufaan isugu jira, waxaana lagu soo weerarayaa Guriceel ayaa nala leeyahay, cabsi aad ah ayaan ka qabnaa.”

Waxaa uu sheegay in Odayaasha Dhaqanka ay dadaal ugu jiraan in la baajiyo dagaal ka dhaca Galmudug, balse aanay dhinacyadu u tixgelinaynin doorkoodaas.

“Odayaasha door ayay ku leeyihiin dhibaatooyinka iyo waxyaabaha jira, doorkooda wax ku tixgelinaya oo xubintoodii tabayana way iska yar yihiin,” ayuu yiri Nabadoon Xaashi.

Nabadoonka ayaa yiri “Waxaan rabnaa inaan baaq u jeedino oo niraahno arrintaa ka taagan Galmudug ee maanta soo cusboonaatay wada hadal halagu dhammeeyo ee yaan xabad lagu xalinin, sidaas ayuu dadaalkayagu yahay. Waayahaana waa socdeen colaaduhu, in muddo ah ayay soo jiitamayeen, mid Xananbuure ayay ka taagan tahay, mid Balanballe iyo waxay ka taagan tahay Guriceel, dadka kala daggee ka dhex taagan tahay, dhinacaan nimankii Shabaabka ahaa ayaa waxay soo barakiciyeen dad fara-badan oo soo qaxay, waxyaabahaas oo dhan mashquul soo kordhay weeye.”