Xijaar Oo Ciidamada Booliska Uga Digay Inay Ku Milmaan Arrimaha Siyaasadda

MUQDISHU-AYAAMAHA-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Ciidanka Booliska qeybahooda kala duwan uga digay inay ku milmaan Arrimaha siyaasadda dalka, xili uu jiro khilaaf xoogan u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble.

Taliye Xijaar oo ka hadlaayay kulan uu la yeeshay Saraakiisha Ciidamada Booliska dowladda Federaalka ayuu sheegay in Ciidanka Booliska looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan ilaalinta Amniga, nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa Ciidanka Booliska u sheegay inay ku ekaadan mas’uuliyada sugida amniga guud ee dalka iyo ka shaqeynta sugida ammaanka goobaha lagu qabanayo doorashooyinka ee Magaalooyinka maamul Goboleedyada iyo Caasimadda Muqdisho.

Wuxuu intaas kusii daray Jeneraal Xijaar inay mas’uul ka yihiin amniga Musharaxiinta ku tartamaya doorashada, ergada wax dooraneysa iyo Guddiyada doorashada, balse Ciidanka Booliska aysan wax shaqo ah ku laheyn ku milmida Arrimaha siyaasadda.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa kula dardarmay Ciidanka Booliska inay fuliyaan oo ay qaataan amarrada iyo farriimaha uga imaanaya Taliska Booliska ilaa heer maamul Goboleed.

Shalay ayey aheyd markii Taliyaha Ciidanka Xoogga Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage uu Ciidanka Milateriga uga digay inay ku milmaan Arrimaha siyaasadda dalka, xili uu jiro khilaaf xoogan u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.