Xil culus oo lagu wado in loo magacaabayo Sheekh Shariif!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa lagu wadaa in loo magacaabo, Ergayga gaarka ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u qaabilsan Arrimaha Dib-u-heshiisiinta Qaran iyo wada hadalka Soomaaliya iyo  Soomaaliland.

Shariif Sheekh Axmed ayaa aqbalay codsi uu usoo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh kaas oo haaa inuu qaato masuuliyadda xilkaas, waliba si mutadawacnimo ah.

Shariif, wuxuu soo noqday Madaxweynihii 7-aad ee Soomaaliya, hadda waa Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka, wuxuu ka mid ahaa shantii musharrax ee ugu codadka badnaa doorashadii Madaxweynaha ee dhacday 15-kii May 2022.

Madaxweyne Shariif waa nin dagan siyaasadiisa aad loo jecelyahay, waa aqooyahy ku wanaagsan dhanka nabada iyo dib u heshiisinta, waana sababta loogu dhiibayo xilkaan culus ee dib u heshiisinta.

Dhanka kale, sida xoguhu tilmaamayaan, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, ayaa dhankiisa heli doona xil la ceyn ah, kuwa ay qaateen Shariif iyo Cabdiraxmaan, waxaase macquul ah inuu magacaabiddiisu ka gaddisnaato, maadaama uusan isagu ahayn Xildhibaan, oo xil buuxa uu qaban karo.

Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxa ay ahaayeen xubnihii ugu cuslaa ee ku jiray mucaaradka Farmaajo, gaar ahaa Golaha Midowga Musharrixiinta, waxaana la saadaalinayaa in ay ugu yaraan labada sano ee soo aaddan wada shaqeyn doonaan.