Xil-wareejin maanta ka dhacday Wasaaradda warfaafinta

Waxaa maanta oo Talaado ah xilka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee xukuumadda federaalka Soomaaliya loo kala wareejiyay Agaasimahii hore C/naasir Xuseen iyo Agaasimaha cusub Cabdullaahi Maxamed Xayir.

Xafladda xilwareejinta ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe, Agaasimayaasha waaxyaha ee Wasaaradda iyo xubno kale.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Maxamed Xayir ayaa waxaa dhowaan soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble isagoo horay u ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Agaasimahii hore ee wasaaradda warfaafinta ayaa noqonaya agaasimaha maamulka iyo maaliyadda ahna Agaasime ku xigeenka guud ee wasaaradda warfaafinta, sida uu munaasabadda ka sheegay wasiir Dubbe.