Xildhibaano badan oo wada mooshin ka dhan ah dhaarinta MW hore Farmaajo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xogo la isku hallayn karo  ayaa muujinaya in ku dhawaad 20 Xildhibaan mooshin ka dhan ah dhaarinta Farmaajo ee Xildhibaannimada u gudbiyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), kaasoo ka mid ahaa shaqsiyaad sabab u ahaa in dalka uu ka dhaco is-baddel dhanka hoggaanka ah.

Xildhibaannadu waxa ay Farmaajo ku eedeeyeen inuu ku tuntay dastuurka dalka, kuna xadgudbay xuquuqaadka, karaamada bani’aadamka iyo xoriyadda ammaanka nololeed ee dadka Soomaaliyeed, waxayna Guddoomiyaha Golaha Shacabka u soo jeediyeen in la hakiyo dhaarinta Farmaajo oo ay ku tilmaameen eedeysane la xisaabtan u baahan.

Farmaajo ayaa ku eedeysan isku day dil oo la doonayay in lagu khaariyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin Madaxweynayaal dalka Soo maray oo uu ku jiro Madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud, caburrinta shacabka, dastuur ku tumashada iyo lunsashada xoolaha dad weynaha, maadaama uusan xisaab xir sax ah la imaan intii uu talada hayay.

Xildhibaannada waxey sheegeen in mooshinka loo gudbiyay Aadan Madoobe, uu ku jiro codsi ku aaddan in guddi madaxbannaanna oo baaritaan ku soo sameeya gaboodfallada Farmaajo galay intii uu Madaxweynaha waddanka ka ahaa loo saaro arrinka, ka hor inta aan lagu degdegin in loo dhaariyo Xildhibaan Qaran.

Waxaa hore loo qorsheeyay in Farmaajo la dhaariyo shalay oo ku beegneyd 20-kii August 2022, hayeeshee waxaa guud ahaan dib loogu dhigay kulankii Golaha, sabab la xariirta weerarkii ku dhawaad 24-ka saac ka socday huteel Xayaat oo koox ka tirsan Al-Shabaab ay duullaan ku qaadeen habeen ka hor, hayeeshee maanta ayaa loo ballamay dhaarinta.

Qodobka 64aad oo Dastuurka Soomaaliya faqradiisa 4-aad ayaa dhigaysa in qof kasta oo noqda Madaxweynaha dalka, marka uu xilka banneeyo uu noqon karo Xildhibaan Golaha Shacaba inta uu nool yahay haddii aan xil-kaqaadis lagu samayn iyadoo aanay muddadii xil-hayntiisu dhammaan si waafaqsan qodobka 92aad ee dastuurkan ku meel gaarka ah.