Xildhibaan Barkahd Jaamac oo weerar afka ahna ku qaaday RW Rooble

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun oo kamid ah Golaha Wakiilada Somaliland ahna afhayeenka Xisbiga Wadani ayaa ka hadlay dadkii Somaliland ay maalmo kahor Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool kasoo masaafurisay, kuwaasi oo soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Barkhad ayaa laamaha amniga Somaliland ku taageeray iney sugaan amniga Magaalada Laascaanood oo uu xusay inay ku bateen falal amni darro oo lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka Magaaladaas, kana mid ahaa Xisbiga Waddani.

Xildhibaan Barkhad Batuun ayaa dhanka kale weerar afka ah ku qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble oo uu ku sheegay inuu yahay mid reereed oo uusan aheyn Ra’iisul Wasaare Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay inuu maareeyo qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho, balse aan looga baahneyn inuu dhaliilo Somaliland.

“Rooblow haddii dhiigga shacabka Muqdisho waxba aanu agtaada ka ahayn, annaga dhiigga shacabka Somaliland dheeman nagala qaalisan, Laascanoodna munaafaqad kaagama banaana ee maaree mushkiladaha Muqdisho” ayuu yiri Barkhad Batuun oo ka hadlaayay hadalkii uu RW Rooble uga hadlay dadkii ay Somaliland kasoo raaftay Laascaanood.

Xildhibaan Barkhad Batuun oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Xisbiga uu ka tirsan ee Waddani ay kasoo horjeedan tallaabada Somaliland ay kusoo masaafurisay dad Soomaaliyeed oo isugu jiray Carruur, dhalinyaro, Haween iyo Odayaal.