Xildhibaan cusub oo kusoo baxay doorasho ka dhacday Jowhar

JOWHAR-AYAAMAHA-Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle waxaa lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka ee Barlamaanka 11aad ee Federaalka Soomaaliya.

Guddiga dorashada ayaa horay u shaaciyay in ay manta qabanayaa labo kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka, waxaan hadda la doortay mid ka mid ah Kuraastaasi.

Cabdirahman Maxamed Sheekh ayaa ku guuleystay xubinnimada Golaha Shacabka Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo u tartamyay kursiga tirsigiisu yahay 070, waxaana uu helay  71 cod, halka Murashaxii la tartamayay  Maxamud Cali Bariiise uu helay 14 cod.

Waxaa halaabay  13 cod, wadarta guud ee soo xaadirtay na waa 98 qof.

Goordhow waxaa la guda galay doorashada kursiga Hop#115 oo ay ku tartamayaan Musharrixiinta kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh iyo Maxamad Xasan Bariiise.