Xildhibaan Dalxa oo soo bandhigay cadaalad darada ka jirta lacagaha diwaangelinta Xildhibaanada.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhiban Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in cadaalad daro tahay lacagaha diwaangelinta Xildhibaanada sababo laxiriira  in awood qeybsiga Somaalida tahay 4.5, isna uu ka midbyahay 0.5-ka.

Waxaa uu soo jeediyey in qabiilada waaweyn laga qaado $10,000 kuwa yaryarna laga qaado $5000, hadii kale ay noqoneyso cadaalad-darro.

Sidoo kale dastuurka Soomaaliya ayuu sheegay in aysan ku jirin qabaa’il 0.5 ah, hadana sidaas soomaalidu adeegsato, inkastoo badanaa dadku isku raacsanetn.

“Doorashada waxaa lagu aadayaa tobon kun dadka buuxa oo 4-ta beelood kale ayaga tobon kun hadey bixiyaan anaga beesha shanaad hadaan nahay shan kun in lanaga qaado waaye xuquuqdeena inay noqoto haaf Lacagtana aan ka sinaano waa arin aan is qabaneynin Dastuurkeena kuma qorno dad ayaa nus ah” ayuu yiri dalxa.

Waxaa jiro dad si weyn ugu soo horjeeda in qabaa’ilka Soomaalida lakala qeybiyo gaarna lagu tilmaamo 0.5, qaarna lagu tilmaamo 4.