Xildhibaan Faarax Cabdiqaadir oo ka hadlay taalabadii ay qaadeen Beesha Ikraan Tahliil.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Faarax Sh. Cabdiqaadir ayaa ku baaqay in shuruud la’aan lasii daayo dad lagu xiray Magaalada Baladweyne sabab la xiriirta dilka loo geystay Ikraan Tahliil Faarax.

Xildhibaanka ayaa Odoyaasha dhaqanka iyo Waxgaradka Gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa beesha Gaaljecel  ka codsaday in ay u istaagaan wax ka qabashada arrintaan si xorriyadooda loo siiyo dhalinyarada loo xiray dambi aysan gelin.

“Odoyaasha, Waxgaradka & dadka soomaaliyeed gaar ahaan Baladweyne waxa aan ugu baaqayaa in si degdeg ah xorriyadooda u helaan dadka aan waxba galabsan ee la heysto, arrintaasi ma aha mid u daneyneysa cadaalad aan u raadineyno Ikraan, dadku waa ehel & deris” ayuu yiri Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Wuxuu soo jeediyay in aanay laga harin kiiska Ikraan Tahliil oo Hay’adda NISA sheegtay in ay dishay Al-Shabaab, balse war kasoo baxay Al-Shabaab waxa ay ku beeniyeen in ay ka dambeeyeen dilka Inantaan