Xildhibaan Fowsiya oo ka shiftay qorshe Xasan Sheekh iyo madasha wadatashiga ay ka codsadeen.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaan Fowsiyo Yusuf Haji Adami oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho ayaa sheegtay in aanay ka tanaasuleyn kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ay u sharaxan tahay, kaddib markii Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay cadaadis ku saareen inay ka harto tartanka kursiga oo loo tanaasulo dalka Jabuuti.

Xildhibaan Fowsiya Yusuf Xaaji Aadam ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan iyo madaxda dawlad-gobolleedyada inta uu Muqdisho uga socday shirka madasha wadatashiga ay ka codsadeen inay isaga harto tartanka ay ugu jirto guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika oo ah xilka ugu sarreeyo ee Afrika.

Madaxweyne Geello oo ka dalbaday inay Soomaaliya tartankan uga tanaasusho Jabuuti ayaa lix bilood kaddib xilliga ay Fowsiya bilowday ololaha shaacisay inay u tartamayaan kursigan, laakin waxay sheegtay inay markaa u sheegtay hoggaamiyayasha inay siiyaan muddo 10 cisho ah oo ay ku soo fakarto, kaddib markii ay go’aankooda ku adkeysteen si kasta oo ay isugu dayday inay u sharraxdo muhiimada uu kusigan u leeyahay Soomaaliya.,

Xildhibaan Fowsiya ayaa sheegtay in ay fursada u haysto iyo inuusan mar kale imaan doonin Soomaaliya inay ka qaybgasho doorashadiisa muddo 40 sanno ah, sababo la xiriira inay si wareegto ah loogu qaybiyo musharraxnimadiisa gobollada Afrika, waxay caddeysay Fowsiyo inay u suurageli wayday 10 maalin markii ay soo dhammaatay inay la kulanto madaxda qaranka.

Musharax Fowsiya, waxay sheegtay inuu markii hore Madaxweyne Xasan ku taageerray inay kursigan oo ay sugaysay muddo siddeed sanno ah, u tartanto, lana qoray warqada ay Soomaaliya ku gudbinaysay musharraxa uga qaybgalaya doorashadan oo sannadkan loo xiray waddamada bartamaha iyo geeska Afrika.

Waxay sheegtay ololaha xilligaa wixii ka dambeeyay la sameeyay inay u fududeysay helitaanka ballanqaadka codka waddamada ururka iskaashiga Islaamka ee Afrika, kuwaaso ay ku filanyihiin codkooda si ay kurigan ugu guuleysato.

Dhanka kale Ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay Villa Somalia iyo dawladda Jabuuti.