Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka oo Muqdisho ku geeriyooday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka uu geeriyooday.

Allaha u naxariiste waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Mursal Booroow oo maalmo la xanuusanayay dhaawac ka soo gaaray qarax lala eegtay.

Geerida Xildhibaanka ayaa waxaa xaqiijiyay qoyskiisa, waxaana ay sheegeen in muddo la xanuunsanayay dhaawaca culus oo uu ku waayay gacantiisa Midig.