Xildhibaanad sheegtay inay bistoolad la tageyso Kongareeska Mareykanka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Haweeneyda dhowaan loo doortay Kongareeska Mareykanka ayaa sheegtay in bistooladdeeda ay la tagayso Kongareeska Mareykanka

Muuqaal la soo bandhigay Axaddii, ayaa wuxuu muujinayaa Lauren Boebert oo Jamhuuriga ka tirsan oo cabbeysaneysa isla markaana xiraneysa bistoolad, iyadoo kaddibna la dhex mareysa waddooyinka magaalada Washington.

“Waxaan bistooladdeyda ku dhex qaadan doonaa DC iyo Kongareeska,” ayay ku tiri muuqaalka, oo la daawaday in ka badan labo milyan oo jeer.

Balse taliyaha booliiska magaalada ayaa sheegay inuu qorsheynayo in Ms Boebert uu kala hadlo shuruucda adag ee ka taalla qaadashada hubka.

Ms Boeber ayaa magaalada Rifle ee Colorado ku leh maqaayad lagu magacaabo Shooters Grill, taas oo shaqaalaha ku dhiirrigelisa inay soo qaataan hub, maaddaama uu oggol yahay sharciga gobolka.

Arrinta xuquuqda hubka ayaa qeyb weyn ka ahayd ololaheedii doorashadii dhacday bishii November.

“Inkastoo aan haatan ka shaqeeyo mid ka mid ah magaalooyinka ugu ilbaxsan Mareykanka, waan diiday inaan ka haro xuquuqdeyda,” ayay Ms Boebert ku tiri muuqaalka oo Axaddii la soo dhigay Twitter-ka.

Balse booliiska ayaa si degdeg uga falceliyay arrintaas, iyadoo Taliyaha Booliiska Washington DC Robert Contee III uu weriyeyaasha ku yiri: “Haweeneydaas Kongareeska ka tirsan waxaa la marin doonaa isla ganaaxa la mariyo qof walba oo lagu qabto isagoo waddooyinka DC hub ku sita.”

Iyadoo dastuurka Mareykanka ay ku xusan tahay xaqa ay dadku u leeyihiin inay heystaan hubka, haddana shuruucda arrintaas u degsan ayaa kala duwan.

Xubnaha Kongareeska ayaa loo oggol yahay inay hubka ku dhex sitaan xafiisyadooda ayna u qaadan karaan Washington DC.