Xildhibaanada 11 ee golaha Shacabka oo 90% la doortay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maamulada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa noqday maamuladii ugu horreyay ee soo dhameystira doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana horay loo dhameystiray xildhibaanada gobolada Waqooyi iyo kuwa Banaadiriga.

Golaha Shacabka ayaa ka kooban 275 Xildhibaan ilaa hadda waxaa la doortay 90% oo u dhigan 248 Xildhibaan , waxaana xildhibaano ay ku dhiman yihiin oo kaliyah maamulada Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Hirshabeelle waxaa ku dhiman 11 Xildhibaan halka maamulka Jubbaland ay ku dhiman yihiin 16 Xildhibaan, waxaana sababta Jubbaland wali ay u dhaqaajin la’dahay lagu sheegay khilaafka ka taagan doorashada magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Guud ahaan xildhibaanada dhiman waa 27 Xildhibaan, kuwaasoo qaarkood lagu waddo in magaalooyinka Beledweyne iyo Garbahaarey lagu kala doorto todobaadkaan.

51 xildhibaan oo kaliyah ayaa dumarka ka ah inta hadda la doortay waxaana muuqata in aysan wali dhaweyn qoondada dumarka loo asteeyay oo aheyd 30%.