Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad oo maanta yeelanaya kulankii ugu horreeyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah kulankii ugu horreeyay ku yeelanaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, kadib markii khamiistii 14-ka April la dhaariyey Mudanayaasha cusub.

Maamulka Shacabka iyo Gudoomiyaha KMG ah ayaa 14 bishaan ku wargaliyay in ay soo xaadiraan kulanka loo ballansan yahay maanta oo Sabti ah.

Waxaa sidoo kale lagu waddaa in maanta lagu dhawaaqo guddiga doorashada ee Guddoonka labada Aqal.

Sidoo kale waxaa isla Maanta kulankii ugu horreeyay yeelanaya Sentorada Aqalka Sare, waxaana ajendaha kulankaas oo uu yahay Warbixinta Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha, taasi oo ku aadan howlaha horyaalla Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Senatorada Aqalka Sare ee la dhaariyey khamiista ayaa kulanka loogu qeybin doonaa habraaca doorashada Guddoonka Golaha iyo tan Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda, sida uu shaaciyay Xoghayaha Baarlamaankii 10-aad ee Aqalka Sare.