Xildhibaanada Baarlamaanka oo loogu baaqay inay Mooshin ka keenaan Xasan Sheekh +sababta.

Gaaraadka guud ee Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa yiri “Baarlamaanka Soomaaliya waa in mooshin ka keenaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, idinka la idin dhaariyay in aad midnimada Soomaaliya ilaalisaan, ha kaalmeynina kala go’a Soomaaliya,”

Sababta mooshinka madaxweynaha ayuu ku sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay  Somaliland ku garab siisay dagaalka Laascaanood.

Garaad Jaamac oo hadalkisa sii wata ayaa yiri“ Dowladiini ayaa ka shaqeynaysa kala go’a umadda Soomaaliyeed, oo na dulmineysa. Weliba Baarlamaanka Soomaaliya ee metelaya umadda Soomaaliyeed waa inuu si mug leh arrinta mooshin uga keenaa.”

Gaaraadka guud ee Garaad Jaamac ayaa rajo weyn ka lahaa in dowladda federaalka Soomaaliya ay garab ka helayaan dagaalka ay reer laascaanood kula jiraa maamulka Somaliland balse dowladda Xasan Sheekh ayaa isaga aamustay iyadoo Somaliland ay madaafic ku garaacayso Magaalada Laascaanood.