Xildhibaanada Beesha Murusade oo Xasan Sheekh ka diiday dalab uu hordhigay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bilaabay inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho Xildhibaannada Golaha Shacabka ee laga soo doorto Dowlad goboleedyada, iyadoo uu qeyb qeyb u qaabilayay.

Kulamadan ayaa ujeedkooda ahaa sidii Xildhibaannada ugu qancin lahaa Golaha Wasiirada la soo magacaabayo iyo sidii ay u taageeri lahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada beesha Murusade ay ka biyo diiday ka qeybgalka kulan Madaxweyne Xasan Sheekh la lahaa xildhibaanada laga soo doortay Galmudug.

Xasan Sheekh ayaa xildhibaanada laga soo doortay Galmudug ka codsanayay in ay taageeraan wasiirada cusub ee lasoo magacaabayo kuna qancaan cida loo soo xulo.

Xildhibaabada Murusade ayaa diiday ka qeybgalka kulankan, waxa ayna kasoo horjeedaan in Madaxweyne Xasan Sheekh Wasiir Murusade u xulanayo Xasan Macalin oon aheyn xildhibaan kana mid ah xubnaha xisbigiisa.

Lama oga in Madaxweyne Xasan Sheekh tixgelin doono rabitaanka Xildhibaanada oo kasoo horjeeda in qof iyaga ka baxsan aan laga dhigin wasiir!