Xildhibaanada berri la dhaarin doono oo farrin cusub loo diray

Qoraalkan waxaa loo diray xildhibanada cusub ee Golaha Shacabka oo berri la dhaarin doono.

Hoos ka akhriso.

Xildhibaano Ramadaan Kariim

Beri hadii ilaahay yiraahdo xildhibaanka oo wata aqoonsigiisaa waxuu imaanayaa akadamiyada tababarka Ciidanka Booliska ee Generaal Kaahiye (police academy) saacadu markay tahay 9.30 aroornimo.

Halkaa ayaa basas looga qaadayaa Xildhibaanada oo lagu geynayaa Teendhada Afasiyooni oo ah goobta xaflada dhaarintu ka dhacayso.

Baabuurtiina iyo askartiin waxaa uga tageysaan barxada Dusiga tababarka Booliska ee Genaral Kaahiye

FG: Xildhibaanada Degan Agagaarka Airporka Waa In Ay Yimaadaan Saldhiga Airporka Halkaas Oo Loogu Diyaariyey Basaki Ka Qaadi Lahaa Islamarkana Uu Geyn Laha Goobta Dhaarinta.

Mahadsanidiin
Xoghayaha Guud ee Golaha shacabka