Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Codka Kalsoonida U Qaadaya Xukuumadda Cusub

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah kulan aan caadi aheyn ku yeelanaya Xaruntooda ay ku shaqeeyaan Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, taasi oo ku dhex taalla Madaxtooyada dalka.

Ajendaha kulanka XIldhibaanada ayaa waxaa uu yahay kalsooni u qaadida Xukuumadda cusub ee uu maalmo kahor magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Barnaamijkeeda, wuxuuna Xamse Maanta hortegayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Qoraal ay soo saareyn Guddoonka Golaha Shacab ayaa lagu sheegay in Ajendaha kulan uu yahay ansixinta xukuumadda cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Waxaa lagu wadaa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu horgeeyo Xubnaha Xildhibaanada Baarlamaanka Golaha Wasiiradda ee uu dhawaan magacaabay, kuwaas oo ka kooban 26 Wasiir oo leh ku-xigeeno iyo Wasiir dowle.

Xukuumadda la soo dhisay ayaa waxaa ka soo muuqday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansiir) oo ku dhowaad 3 sanno u xirnaa dowladdii hore, waxaana sidoo kale ka dhalatay hadal heyn xoogan oo ku aadan magacaabista Roobow oo loo dhibay xilka wasaaradda diinta iyo awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Tallaadadii aan kasoo gudubnay ayuu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya magacaabay Xubnaha Golaha Wasiira cusub, waxaana kasoo dhex muuqday xubno dhowr ah oo uu ku jiro Mukhtaar Rooboow, kaas oo ay si weyn warbaahinta caalamka u hadal heysay iyo tan gudaha dalka.

Lama oga in Baarlamaanka Soomaaliya ay cod u qaadin doonaan xubnaha Xukuumadda cusub ku jira, kuwaas oo uu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre sheegay in golahan uu ku soo xulay aqoon, karti, waaya-aragnimo iyo in ay ka go’an tahay, wax ka qabashada arrimaha abaaraha, amni darrida, kobcinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed, iyada oo lagu shaqeynayo halku dhegga Madaxweynaha JFS ee Soomaali heshiis ah, dunida heshiis la ah.