Xildhibaanada iyo wasiirada Koonfur Galbeed oo loogu baaqay la dagaalanka Al-Shabaab.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax ) ayaa waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in dagaal looga soo horjeedo Al-Shabaab laga bilaabo degaanada Konfur galbeed.

Waxa uu sheegay in deegaanada maamulka Koonfur Galbeed ay qayb kayihiin meelaha ay ku xooganyihiin AliShabaab loona baahanyahay in laga saaro.

Waxa uu ku baaqay in Masuuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed, Xildhibaanada iyo wasiirada ka soojeeda deegaanadaas ee ku matala Federaalka iyo shacabka in ay iskaashadaan loona Midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Najax ayaa tilmaamay in hadii aan dagaalka hadda labilaabin ay dhibka ku sii jirayaan shacabka marka la xureeyo deegaannada mamulada kale kadib.

Qaar ka mid ah deeganada maamulada Galmudug iyo Hirshabeele ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka socday dagaalo ka dhan ah Al-Shabaab kuwaa ay fulinayaan Ciidamada dowlada , kuwa maamulada iyo Shacab is abaabulay intaba.