Xildhibaanada Koofur Galbeed oo maanta kusoo wajahan magaalada Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen ayaa xalay fasaxay xildhibaanada Labada Aaqal ee laga soo doorto Koofur Galbeed kuwaa oo ku sugan magaalada Baydhabo.

Madaxtooyada Lafta-Gareen ayaa Laba maalin ka hor shaacisay iney qaadacsantahay howlaha guddiga doorashooyinka ee Heer Federal kadib markii saddex kamid ah kuraasta laga soo doortay deegaankaas ay guddiga ay sheegeen iney baalmarsantahay sharciga.

Shalay ayey aheyd markii aadan Madoobe uu jebiyay amarka ah in xildhibaanada Koofur Galbeed aysan qaadan shahaadada Guddiga iyadoo sidoo kale musharaxiin kale ay qaateen kaa oo fariimo adag u diray Lafta-Gareen iyo Xildhibaanada cusub.

Koofur Galbeed waxaa xildhbaanadeeda gacanta ku haya Fahad Yaasiin iyadoo la sheegay in  daacad u yihiin Nabad iyo Nolol.