Xildhibaanada Waqtigooda Dhammaaday Oo Ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2021

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee waqtigoodu dhammaaday ayaa Maanta oo tallaado ah waxaa ay kulan ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulankaas Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa Ansixinta Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sanadka Cusub ee 2021, kadib markii Akhrinta Koowaad iyo labaad ay marsiiyeen Golaha Shacabka.

Dood dheer kadib Xildhibaanada xil-sii gaarsiinta ah ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyay Miisaaniyadda sandka soo socda ee 2021, waxaana ogolaaday 145 Xildhibaan, isla markaana ma jirin wax diiday ama ka aamusay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Xildhibaanada xil-siigaarsiinta  uga mahadceliyay ansixinta Miisaaniyadda dowladda, isagoo kahor Akhriyay Golaha Warbixin la xiriirta Miisaaniyadda.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa 27-kii bishaan December 2020 waxaa ka dhammaaday muddo xileedkooda, welina ma jiro weli wax doorasho ah oo dalka ka dhacday, xili uu muran xoogan ka taagan yahay doorashada.