28.9 C
Mogadishu

Xildhibaanadii xalay buuqa iyo fowdada kiciyay oo dacwad laga gudbiyay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabelle ay sii soconeyso kadib markii xalay uu hareeyay buuq iyo rabshado doorashada mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Hirshabelle Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle ayaa Guddoonkooda sheegay in doorashadu ay sii soconeyso kadib markii guddiga anshaxa loo gudbiyay dacwad ka dhan ah xildhibaanadii xalay buuqa ka sameeyay hoolka doorashada ee magaalada Jowhar.

“Tiro kooban oo ka tirsan Xildhibaannadii codeynayay ayaa sameeyay qaab anshax darro ah, Dacwaddooda waxaa loo diray sharciga oo ah meesha lagu kala baxo, xeer-hoosadka inoo yaalla wixii ku qoran ayaa lagu qaadayaa” ayuu yiri Siraaji Sheekh isxaaq.

Hase yeeshee ma jiro wax war ah oo ka soo baxay khilaafka hareeyey doorashada Aqalka Sare ee Hirshabele guddiga doorashada iyadoo mid ka mid ah kuraasta hartay oo qaar ka mid ah musharaxiintooda ay isaga tageen magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Kursigii xalay buuqa ku dhamaaday ayaa ah mid senatarka laga soo doorto uu ka soo jeedo gobolka Hiiraan,waxaana uu sababi karaa in khilaafka u dhexeeyay Maamulka Hirshabelle iyo mid kamid ah beelaha ugu waaweyn ee dega Hirshabelle gaar ahaan gobolka Hiiraan uu saameyn ku yeesho.

Illaa shan kursi oo ka tirsan Aqalka Sare ayaa lagu soo doortay magaalada Jowhar iyadoo kuraastaasi mid ka mid ah ay tahay dumar.