Xildhibaankii ugu horeeyay ee Golaha shacabka Barlamaanka 11aad oo Muqdisho lagu doortay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya laga billaabay doorashada aqalka hoose ee Baarlamaanka 11aad ee dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta loo doortay xildhibaankii ugu horeeyay ee Golaha shacabka Barlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya .

Doorashada RW ku xigeenka kusoo baxay ayaa aad loo saadaalinaayey, waxaana lasii ogaa inuu isaga kusoo bixi doono sababto ah kursiga ayaa isaga u xirnaa, waxaana loo diiday dadkii la tartami lahaa oo uu kamid yahya xildhibaanka hada ku fadhiya ee Xuseen Carab.