Xildhibaannada Baarlamaanka Oo Maanta kulmaya, Xilli Muddo Xileedkooda Sii Dhamaanaya.

MUQDISHO-AYAMAHA-Xildhibaanada Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu waddaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta golaha Shacabka ee Muqdisho.

Farriimo loo diray Xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay in kulanka maanta oo Sabti ah ajandihiisa yahay akhrinta koowaad ee Miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2021 iyo akhrinta labaad ee Hindise sharciyeedka dhismaha dhiiragelinta maalgashiga.

Golaha Shacabka ayaa muddo xileedkiiso ku eg yahay 27-da bishaan, waxaana ka hartay kaliyah 15 Maalmood.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u diiday in muddo xileedkeedu uu dhamanaayo ilaa laga helo baarlamaankii badali lahaa.

Hase ahaatee waxaa la sheegayaa in Baarlamaanka damacsan yahay ka hor inta aanu waqtiga ka dhamaan inuu soo saaro qaraar ku saabsan xaalada dalka iyo in Baarlamaanka 10aad uu xilka sii haayo, inta laga soo dooranayo Baarlamaanka 11aad.