Xildhibaannada Gobollada Waqooyi Ee Barlamaanka Oo War-Murtiyeed Soo Saaray

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ku dhawaad 40-Xildhibaan oo ah Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Gobalada Waqooyi ayaa War saxaafadeed kasoo Saaray Arrimaha doorashooyinka. waxaana ay soodhaweeyeen dadaalada iyo hannaanka uu wax u wado RW Rooble.

Xildhibaanada ayaa soodhaweeyay hannaanka dooarshooyinka, waxaana ay nasiib darro ku tilmaamen xildhibaanno kale oo ay sheegen in ay carqalad ku wadaan hannaanka doorashooyinka, kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in aysan doonayn doorasho dalka ka dhacda.