MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaano katirsan Barlamaanka federalka Soomaaliya ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Maxkamadda dembiyada adduunka ee (ICC).
Xildhibaan Yuusuf Xuseen Gamadiid oo kamid xildhibaanada lagu casuumay shirkan oo qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sidan u qornaa:-
“Waxaan aniga iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka BJFS safar shaqo ku nimid Boqortooyadda Netherland, inagoo casuumad rasmi ah ka helnay Madaxweynaha Maxkamadda Dambiyada Adduunka (International Criminal Court).
Ugu horeyn, waxaan yeelanay aqoon is weydaarsi (Workshop) ku saabsan sida hay’adaha ku shaqada leh korjoogteynta Hay’adaha fulinta & Shacabka ay ula xisaabtami lahaayeen madaxda iyo shaqsiyaadka ku xadgudba xuquuqda aadanaha iyo kuwa lagu doortay hannaan dimaquraaddi ah ka dibna isu roga kaligii-talis (Dictatorship), isla markaana geysta ku tagri-fal awoodeed iyo dambiyo ay ka kalaan Qaranka, iyadoo lagu daba-qayo xeerarka caalamiga ah iyo Dastuurka KMG ah ee JFS.
Sidoo kale, waxaan kulamo muhiim ah la qaadanay Madaxweynaha Maxkamadda Dambiyada Aduunka (ICC) H.E. Päivi Kaukoranta iyo Madaxa wacyi gelinta & Xiriirka Caalamiga ee ICC H.E. Matias Hellman, waxaana kawada hadalnay sidii Soomaliya looga caawin lahaa garsoorka iyo tababarka hayadaha arrimaha cadaaladda Soomaaliya.
Maxkamadda ICC oo ay xubin ka yihiin 125 dal isla-markaana dalkeena uu qeyb ka ahyn ayuu Madaxweyne H.E. Päivi Kaukoranta inoo soo bandhigay hanaanka ay Soomaaliya uga mid noqon karto dalalka ka midka ah Maxkamadda.”