Xildhibaano soo xaadiri waayey kulanka Golaha oo digniin loo diray.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee aan soo xaadirin fadhiyada Golaha ka dalbaday inay gutaan waajibaadkooda shaqo ee laga doonayo, isagoona sheegay in uusan yeeli doonin habdhaqanka xildhibaanada.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray Guddoomiye Aadan Madoobe in Xildhibaanada iska maqana lala xisabaatami doono, isla markaana uu qaadayo tallaabo, waxaana Guddoomiyaha uu tilmaamay in muhiim ay tahay imaatinka kulamada Golaha.

Ajendaha kulankii baaqday ee Golaha Shacabka ayaa waxaa uu ahaa Akhrinta koowaad ee Hindise sharciyedka Hey’adda Sirdoonka oo khamiistii lasoo dhaafay ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo sabti ah lagu waday inay kulanoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta ay ku shaqeeyaan ee Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, balse kulan ayaa baaqday.