Xildhibaano War kasoo saaray Shaqaaqadii ka dhacday Garoonka Boosaaso

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qaar kamid ah Xildhibaannada Puntland ku metela Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray dagaalkii khasaaraha geystay ee labada Ciidan ku dhexmaray Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso.

Warsaxaafadeed ay soo saareen ayay shaqaaqadaas ku tilmaameen mid nasiib darro ah, iyaga oo ku baaqay in la ilaaliyo nabadda, Midnimada iyo kala dambaynta Puntland, waxaana warsaxaafadeedka uu u qornaa.

Xildhibaanada Puntland ku matala Labada Aqalka ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, waxay ka xun yihiin dhacdadii Nasiib darrada ahayf ee 11/07/2022, ka dhacday Magaalada Boosaaso.

Allaah ha u naxariisto Dhalinyaradii ciidamada ka tirsanayd iyo shacabkii halkaas ku geeriyooday, intii ku dhaawacmayna allaah u booga dhayo.

Xildhibaanadu waxay ku baaqayaan in la ilaaliyo nabadda, Midnimada iyo kala dambaynta Puntland.

Xildhibaanada Puntland ku matala labada Gole ee Baarlamaanka federalku waxay markasta u taagan yihiin, ilaalinta midnimada iyo wada-shaqayn hufan oo dhex marta Dawladda Federalka ah iyo Puntland.

Waxaan ku baaqayaan in laga fogaado wax kasta oo abuuri kara kala fogaansho ku yimaada Dawladda Federalka iyo Puntland.

Ugu dambayn, waxaan ka codsanaynaa Maamulka Puntland, ganacsada, qurbojoogta iyo cid kasta oo door ka qaadan karta in loo istaago gargaaridda dadka abaartu cayraysay iyo kuwa hadda la tacaalaya.

In ka badan 12 Ruux oo isugu jiro Shacab iyo askwr ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaalkii Afaafka hore ee Garoonka diyaaradaha Boosaaso ku dhexmaray Ciidamada PSF iyo PMPF oo ka wada tirsan kuwa Maamulka Puntland.