Xilka Mahad Salaad oo la isku haysto xili Guux weyn ka jira Villa Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Marka la eego sida ay wax isku badeleen labadii bil ee lasoo dhaafay xilalka la magacaabay iyo kuwa laga qaaday Beesha Ceyr ayaa wajahaday culeys gaar ah oo la saaray.

Agaasimaha Hay’ada NISA Mahad Salaad oo beeshaasi kasoo jeeda ayaa hadda wajahaya cabsi ah in xilka laga qaado,si la mid ah xubnihii beeshiisa ee la wada eryey.

Cali Yare Cali oo ahaa Gudoomiye kuxigeenkii Amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir,Xaliimo Yareey Gudoomiyihii Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Gudoomiyihii Maxkamada Gobolka Banaadir oo dhamaantood beesha ceyr kasoo jeeday ayaa xilka laga qaaday.

Kaaga darane waxaa xilalkaasi lagu bedelay beesha Saleebaan shakhsiyaad kasoo jeedo,marka la eego Booska Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) waxaa loo wadaa Abshir Bukhaari sida xogaha ay sheegayaan.

Beesha Ceyr ayaa muujisey in la dulmiyey oo xilalkii ay hayeen ay hadda umuuqdaan in la rogay oo dad kale la geeyey,taas oo la ogeyn Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ka damacsan yahay.

Awoodii Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur ee jagada Ergeyga arimaha abaaraha Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isagana bilo ka hor hoos loo dhigay iyadoo la hoos geeyey shaqadii uu ku magacaabnaa Wasaarada Arrimaha Gudaha Ee Fiqi Hogaamiyo.