Xilkii Ra’iisul Wasaarenimo ee Rooble oo maanta soo idlaaday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu ka hadlay codka kalsoonida uqaadeen maanta Xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya Ra’iisul wasaaraha cusub.

Engineer Rooble ayaa hambalyo udiray mr Barre oo si toos ah xafiiska ula wareegay duhurnimadii maanta markii baarlamaanka codka kalsoonida siiyeen.

“Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre oo maanta helay kalsoonida Golaha Shacabka ee BJFS.

Xildhibaannada Golaha Shacabku way ku mahadsan yihiin kalsoonida buuxda ee ay siiyeen Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre waxaan Alle uga baryayaa in uu la garab galo mas’uuliyadda iyo waajibaadka qaran ee horyaalla, waxaanna shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha kale ee dowladda ka codsanayaa in ay Ra’iisul Wasaaraha garab ku siiyaan gudashada waajibka qaran,ayuu yiri Rooble Ra’iisul wasaarihii hore ee Dalka”.

Sidookale waxaa halkaas kusoo dhamaaday xilkii Ra’iisul Wasaarenimo ee Maxamed Xuseen Rooble oo soo jiray muddo ku dhow labo sano, maadaama maanta la dhaariyey RW cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Bare.