Xilliga ay dhaceyso doorashada guddoonka guddiga doorashada Heer Federaal oo la shaaciyay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga qaban qaabada doorashada guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo saaray go’aamo ku saabsan Shuruudaha musharrixiinta Guddoomiyaha & guddoomiye kuxigeenka, qaabka codeynta iyo korjoogteynta.

Qoraal kasoo baxay Guddiga qaban qaabada ayaa lagu soo bandhigay shuruudaha musharaxa doonaya in uu u tartamo xilka Guddoomiyaha, kuwaas oo kala ah.

1 Waa in uu yahay xubin ka mid ah Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

2- Murashaxiinta u tartamaya jagada gudoomiyaha waa in ay shubaan lacagta fiiga diiwaan galinta oo dhan 3000S oo lagu shubaya akoonada doorashoyinka dalka.

3- Murashaxinta u tartamaya jagada gudoomiye ku xigeenka guddiga waa in ay shubaan
lacagta fiiga diiwaan galinta oo dhan 2000S oo lagu shubayo akoonka doorashooyinka dalka.

4 Gudoomlye ku xigeenka guddigu waa in uu is casilaa hadii uu u tar tamayo jagada banaan ee
gudoomiyaha GHDHF warqada is casilaada waa in uu soo raaciyaa qodobka 2aad.

Sidoo kale Guddiga ayaa soo bandhigay sida ama qaabka ay u dhaceyso codeynta, taas oo ah.

1- Cod bixintu waa Qarsood.

2 Waxa lagu codaynayaa sanduuqa codbixinta.

3- Hadii ay tar-tamaan 3 murashax iyo kabadan waxa wareega koowaad lagu kala guulaysanayaa 50+1 ee tirada guud ee gudiga oo ah 25 xubnood waana nidaamka qorshebhawleedka guddiga doorashooyinka ay ku hogaaminayaan doorashada golaha shacabka, tusaale murashaxa hela 13 cod iyo kabadan ayaa kuguulaysanaya tartanka.

4 Waxa ay doorashadu dhacaysaa maalinta sabtida ee ku beegan 15/1/2022 saacadu marka ay tahay 11:00am

5- Goobta codbinintu waa teendhada afisyooni.

Ugu dambeyn Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha & guddoomiye kuxigeenka guddiga doorashada Heer Federaal ayaa shaaciyay korjoogtada doorashada, kuwaas oo kala ah.

Waxa doorashadan lagu casuumayaa Xafiiska Ra’isal Wasaaraha, Wasiirka Arimaha
Gudaha, Shir gudoonka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada, Shir gudoonada gudiyada SEIT ka, UNSOM, UND PSomalia, Safaaradaha beesha caalamka, Goobjoogayaasha, Ururada Bulshada Rayidka ah, Wakaalada Wararka ee SONNA iyo Bahda Warbaahinta.