Xiriirka Turkiga iyo Imaaraadka iyo Lacagta Balaayinka doolar ee Turkiga lagu wareejiyey.

Xiriirka Turkiga iyo Imaaraadka
Xiriirka Turkiga iyo Imaaraadka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dhaxal Sugaha Imaaraatka Maxamed Bin Zayed ayaa booqasho taariikhi ah ku tagay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga kadib markii uu Soo hagaagay xiriirka Labada Dowladood oo Muddo ku dhaw 10 sanadood Xumaa.

Turkiga iyo Emaaraatka Ayaa ku Hishiiyay in la sameeyo sanduuq lacageed oo dhan 20 bilyan oo dollar oo lagu taageerayo maalgashiga Turkiga.Halkii Bilyan waxuu u Dhigmaa Kun Malyuun.

Tobankii sano ee la soo dhaafay Turkiga iyo Imaaraadka waxaa ka dhaxeeyey xiriir aad u xun, waxayna Imaaraadka la safanaayeen dowladaha cadowga ku ah Turkiga ee Israaiil iyo Maraykanka, taasoo cadaawad xoogan ka dhex abuurtay labada dowladda ee Turkiga iyo Imaaraadka .

Heshiiska labada dowladood ayaa yimid kadib markii la doortay Madaxweynaha Maraykanka ee Joe biden, kaasoo hoos u dhigay xiriirka Imaaraadka iyo Maraykanka. Maraykanka ayaa hoos u dhigay taakuleetiin Militari uu siin jiray wadamada carabta, sida Sacuudiga, Imaaraadka iyo wadamada kale, taasoo sahashay in carabta ay xiriir la sameyso wadamada kale ee awooda badan sida Shiinaha, Ruushka, Hindiya iyo Turkiga ayagoo la galay heshiisyo ku kacaya malaayin doolar. Imaraadka Waa Dowlada ugu Hodansan Carabta!