Xiriirka Turkiga iyo Sacuudiga oo si buuxda u soo noqday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa markii ugu horreysay muddo sannado ah booqasho ku tagay dalka Turkiga maanta oo Arbaca ah, si uu wadahadallo ula yeesho Madaxweyne Tayyip Erdogan, kaas oo ujeeddadiisu ahayd in si buuxda loo cusboonaysiiyo xiriirka burburay, kadib dilkii Jamal Khashoggi.

Booqashadan ayaa waxay ka dhigan tahay tallaabo uu Amiir Maxamed ku doonayo inuu dib ugu soo nooleeyo muuqaalkiisa meel ka baxsan gobolka Khaliijka, waxayna kusoo beegantay iyadoo Erdogan uu raadinayo taageero dhaqaale oo gacan ka geysan karta fududeynta dhaqaalaha Turkiga ee hoos u dhacay ka hor doorashooyinka adag ee madaxweynaha.

Bishii April, Erdogan ayaa wadahadallo toos ah kula yeeshay Boqortooyada Sacuudiga Amiir Mohammed kadib dadaal dheer oo lagu hagaajinayo xiriirka ka dhexeeya awoodaha gobolka, oo ay ku jirto in la laalo dacwaddii Turkiga ee dilkii Khashoggi ee sanadkii 2018 ka dhacay Istanbul.

Erdogan ayaa sheegay toddobaadkii hore in isaga iyo hoggaamiyaha dhabta ah ee Riyadh ay ka wadahadli doonaan “intee in le’eg” ay xiriir la yeelan karaan inta lagu guda jiro wadahadalka Ankara.

Sarkaal sare oo ka tirsan Turkiga ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, isagoo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, in la filayo in booqashadan lagu gaaro ‘in si buuxda loogu soo celiyo xiriirka labada dal”. “Waa cusub ayaa bilaaban doona.” ayuu yiri sarkaalkan.

Erdogan ayaa lagu waday inuu qasriga madaxtooyada ku qaabilo Amiirka dhaxal-sugaha ah, si ay wadahadalo ula yeeshaan. Ma jiro xog guud oo laga soo saari dooni kadib kulankan.

Sarkaalka Turkiga ah ayaa sheegay in labada dal ay qaadeen xayiraadii saarneyd ganacsiga, duulimaadyada iyo daawashada taxanayaasha, iyadoo sidoo kalena la joojiyay wararka aan habbooneyn ee labada dhinac is dhaafsanayaan..