Xiriirkii Sucuudiga iyo Qatar Oo Si Rasmi Ah Dib Ugu Soo Laabtay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sacuudi Carabiya ayaa Maanta sheegtay in ay dib u fureyso safaaradeedii Qatar maalmo gudahood, ka dib heshiiskii todobaadkii hore dhexmaray iyaga iyo Qatar.

Wasiirka Arimaha Dibada Sacuudiga Amiir Faysal bin Farxaan ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Riyaad yiri “Safaaradeena waxaa dib looga furi doonaa Doha maalmo gudahood kadib marka aan dhameystirno habraacyada lagama maarmaanka ah”

Diblumaasiga ugu sareey Sacuudi Carabiya ayaa sidoo kale sheegay in lasoo celin doono xiriirkii diblumaasiyadeed ee Qadar la lahayn.

Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa heshiis, dib-u-heshiisiin ah la saxiixdeen Qadar 5-tii Janaayo si loosoo afjari khilaafka in badan saddex sano socday.

Afartaan dal ayaa xiriirkii diblomaasiyadeed iyo kii ganacsi u jaray Qatar sanadkii 2017, iyaga oo ku eedeeyay Doha inay taageerto argagixisada. Qatar ayaa si adag u beenisay eedeynta, iyada oo sheegtay in go’doominta ay ahayd isku day lagu doonayay in lagu xadgudbo madaxbanaanideeda.