Xisbiga Himilo Qaran oo beeniyey warar laga faafiyey iyo qorshe cusub oo ay wadaan.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xisbiga Mucaaradka ee Himilo Qaran, isla-markaana uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa caddeeyey mowqifkiisa siyaasadeed ee ku aadan xaaladda dalka iyo doorashada.

Guddoomiyaha Xisbiga Suleymaan Maxamuud Xaashi ayaa shaaciyey in aysan marnaba raalli ka aheyn doorashada boobka ah, balse haddii la saxo qaladaadka ka jira hannaankeeda ay soo dhoweynayaan inay sii socoto doorashada.

“Doorashada boobka mana aqbaleyno waan diidanahay, laakiin haddii doorashada la saxo oo mida aan annagu dooneyno oo danta saxda ahna ay ku jirto doorashada inay socoto weeyey,” ayuu wareysigan xasaasiga ah ku yiri guddoomiyaha guud Xisbiga Himilo Qaran.

Suleymaan oo wax laga weydiiyey arrinta Musharixiinta Mucaaradka ayaa beeniyey inay ka Xisbi ahaan ka baxeen golahaasi, Sidoo kalena uu tilmaamay inay qeyb ka yihiin shirka wada-tashiga ee goluhu qabanayo, isla-markaana waxa uu tilmaamay in looga arrinsanayo aayaha doorashada.

“Meel aan annaga ku iclaaminay ama aan kaga baxnay haddii ay qoraal tahay iyo haddii af-tahayba oo Midowga Musharixiinta u sheegnay inaanu ka baxnay ma jirto. Shirka waa loo ballansan yahay ka mid baanu nahay, waana ka qeyb-galeynaa,” ayuu yiri guddoomiye Suleymaan Maxamuud.