MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa maanta xarunta xisbiga Himilo Qaran ee Magaaladda Muqdisho ka furmay wajiga labaad ee tabbabarada kor loogu qaadayo aqoonta dhallinyarada Xisbiga.
Daahfurka tabbabarka waxaa goob joog ka ahaa xoghayaha tabbabarada Xisbiga Mudane Cabdirisaaq Yuusuf isagoo warbixin guud siiyay dhallinyarada iyo ahmiyadda xisbiga uu siinayo sarre u qaadidda aqoonta dhallinyarada ee la xiriirta dowladnimada iyo Siyaasadda.
Waxaa sidoo kale kalmado barraarujin ah daah-furka ka jeediyay xoghayaha Maaliyadda ee xisbiga Mudane Cabdinaasir Maxamed Shiikh Nuur ( Shubka ) isagoo diirrada saaray doorka dhallinyarada ay ku leeyihin bulshada iyo dunnidaan casriga ah.
Mowduuca maanta ayaa ahaa “Fahamka Nidaamyadda Siyaasadeed’ waxaana tabbabarka bixiyey, barre Sare, Cabdisataar Mukhtaar Abuukar.