Xisbigii ugu horreeyey ee ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso.

Xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaamiye Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday xisbigii ugu horreeyey ee ka hadla dagaalkii khasaaraha ka dhaliyey ee Boosaaso tan iyo markii ay dhalatay dowlada cusub.

HOOS KA AKHRISO

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu cambaaraynayaa falkii dhimashada iyo dhaawaca keenay ee ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Boossaso .

Wuxuu Xisbigu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehellada dadkii ku dhintay shaqaaqadaas. Sidoo kale wuxuu Ilaahay uga baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo intii ku dhaawacantay iska hor imaadkaas, dadkii hantitooda ay ku waxyeelowdayna beddel kheyr qaba siiyo.

Xisbigu isagoo ka duulaya waajibka ka saaran xasiloonida geyiga Soomaaliyeed, ilaalinta nafta qofka Soomaaliga ah iyo hannaanka geedi socodka Dowladnimada wuxuu ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ay quseyso inay u turaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada deggan Magaaladda Boosaaso oo weli maskaxdooda ay kasii guuxayso dhibkii horay uga dhacay dhammaadkii bishii Disember ee 2021.

Shaqaaqadan waxay dareen gelinaysaa bulshada Soomaaliyeed iyo saaxiibada daneeya Soomaaliya, waxayna dhaawac ku tahay natiijada shirkii ay isugu yimaadeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee lagu qabtay Muqdisho bishii June 2022, kaas oo lagu heshiiyay wadashaqayn. Falka maanta dhacay wuxuu mugdi gelinayaa kalsoonida iyo wadashaqaynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah inay xoojiyaan wadashaqaynta dhexdooda ah kana dheeraadaan wax waliba oo dhalin kara khilaaf iyo is-jiid jiid siyaasadeed taasoo horay inoosoo ragaadisay sanadihii lasoo dhaafay, ayna u wada istaagaan iskana kaashadaan la dagaallanka argagixisada iyo la tacaalidda abaaraha.

Ugu dambeyntii Xisbigu waxuu ugu baaqayaa masuuliyiinta Puntland iyo Dowladda Federaalka inay shaqaaqadii dhacday u saaraan guddi baaris oo madax bannaan si looga gun gaaro dhacdadaas loogana hortago inay markale dib usoo noqoto..