XOG:- Abaabulka qorsho halis ku ah Rooble oo Farmaajo billaabay..

Madaxtooyada Soomaaliya oo diyaarisey qorshe ah in ay hesho kuraas
Madaxtooyada Soomaaliya oo diyaarisey qorshe ah in ay hesho kuraas

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo xoog leh taas oo lasoo warinayo in qorsheyaal cusub la dejinayo.

Sida aan ila xog ogaal ah xaqiijiyeen Farmaajo wuxuu ku hawlanyahay abaabul ciidan, Waxa uuna si gooni u xulanayaa ciidan u daacad ah, laguna soo xulay qaab Qabiil.

Wuxuu kaloo ku hawlan yahay in uu kala furfuro saraakiishii iyo ciidankii badbaado qaran ee ka hor yimid muddo kororsigii sharci darrada ahaa.

Dhinaca kale, fashilinta shirka ayuu u xilsaaray qaar ka mid ah madaxda Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Kaddib fashilka Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Farmaajo waxa uu rabaa in uu ku dhawaaqo xil ka qaadis sharci darro ah oo ka dhan ah Raysal Wasaare Rooble, taas badalkeedana uu magacaabo Raysal Wasaaare cusub oo kasoo jeeda Beesha Abgaal si uu labadaas beel mid garab uga helo iskagana horkeeno.

Dhanka kale, Farmaajo wuxuu la kulmay dad ka socda beesha Habargidir, wuxuuna ku calaacalay in Rooble uu duminayo isbahaysigii u dhexeeyey qabiillada Marreexaan iyo Habargidir. Wuxuu sheegay in uu isagu qaldamay markii hore, laakiin uu dib iska saxay.

Wuxuu ku dhaartay in waxa uu Rooble ka shaqaynayo ay tahay in xukunka Abgaal iyo Majeerteen loo gacan geliyo, 100 ka sano ee socotana Habargidir iyo Mareexaan xukun arki doonin.

Wuxuu kaloo la kulmay dad ka socda Abgaal, wuxuuna u sheegay in uu ku khaldamay magacaabista Rooble, ayna ahayd in uu qof abgaala ah u magacaabo xilka.

Wuxuu ammaanay sida ay ABGAAL u magacaabeen 3 Raysalwasaare oo Marreexaan ah xilligii ay madaxweynaha dalka ka ahaayeen Xasan Shiikh Maxamuud iyo Sh Shariif Sh Axmed, taasna uu sixi doono markii uu Rooble xilka ka qaado.

Qorshahaan cusub ee Farmaajo ayaa ka dhigan qaybi oo xukun oo qaawan, Waa isku dil dadka walaalaha ee deegaanka, Waxaase jira damac badnayaal hawshaas si toos ah ama si dadban uga shaqaynaya.