XOG:- Bar-tilmaameedka Qaraxii ka dhacay Muqdisho iyo wararkii u dambeeyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Qarax jugtiisa inta badan laga maqlay magaalada Muqdisho ayaa goor dhaw ruxay gobalka Banaaadir kaa oo aad u xooganaa.

Qaraxa ayaa waxaa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ku qarxay Isgoyska Ceelgaabta gaar ahaan Kontroolka beerta nabada ee laga galo Madaxtooyada Soomaaliya.

Sawirro iyo Muuqaallo laga soo qaaday ayaa muujinaya baaxadda Qaraxaas iyo saameyntiisa.

Waxay muuqaaladdu muujinayaan sida qaraxaasi u waynaa, baabuur badan oo Madaxtooyadda u socday, kuwo jidka marayey iyo Mooto Bajaaj badan ayaa halkaas ku gubtay.

Warar ayaa sheegaya in qofka is qarxiyey ay aheyd haweeneey wadatay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Bar-tilmaameedka qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Imaam Maxamuud Yusuf. Sida aan wararka ku helnay Imaamka iyo dadkii kale ee la saarnaa gaariga wax khasaare ah kama soo gaarin, balse waxaa jiro Khasaare Kale oo soo gaaray dad shacab oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha Ammaanka ee jooga barta gaadiidka lagu hubiyo ee la qarxiyey ayaa iisheegay in gaariga Is Qarxiyey ay xakameyn waayeen oo xabad kasta oo lagu riday uu istaagi waayey, intaas kadib na uu is Qarxiyey.