XOG:-Cabsi soo wajahday Mucaradka iyo Farmaajo oo qorsheynaya Afgembi cusub.

Cutubyo ka tirsan Kummaandooska Xoogga dalka ee Gor-gor
Cutubyo ka tirsan Kummaandooska Xoogga dalka ee Gor-gor

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa maanta mar kale daaha ka rogay guux ka jiray maalmihii dambe Dalka.

Ciidamadii lagu soo tababaray Dalka Ereteria ayaa dhawaan la keenay Muqdisho kuwo kalena ayaa lasoo celin doonaa,qorshaha laga rabana waa in ay xoog Nabad iyo nolol dalka ku qabsato.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo aan la gamban fikirkiisa iyo xogaha uu helo ayaa muujiyey in cabsida uu qabo ay tahay in lagu baraarugsaneyn istaraatiijiyada awood muquuninta ku saleysan ay Villa Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Madaxweyne Farmaajo damacsan yihiin.

Mucaaradka dhamaantood ayaan isku fikir aheyn hase ahaatee Xisbiga Wadajir hogaankiisa ayaa inta badan ah kuwo dadka la wadaaga xogaha qarsoon ay helaan.

Doorashada boobka ay ku sheegeen ayaa inta badan umuuqata mid loo meel marinayo Nabad iyo nolol iyadoo murashaxiinta mucaaradka ay kusoo koobmeen keliya inay dhaleeceyn hawada umariyaan dhinacyada ku lugta leh arintaasi.