XOG: Cali guudlaawe oo Farmaajo ka diiday inuu liiska ka saaro senetar muuse suudi!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Muddooyinkii dambe waxa xubnaha nabad iyo nolol aad isugu mashquuliyeen dadaal badanna ku bixiyeen sidii Senetor Muuse Suudi Yalaxoow  looga hor istaagi lahaa kursiga aqalka sare ee uu markale u taaganyahay.

Maal, maskax iyo muruq ba waxba lama harin heer ay xataa gaareen inay Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, culeyska deegaankiisa ka heysta ay ugu sii daraan dagaalka ay Farmaajo iyo Fahad sida gaarka ah ugula jiraan hoggaamiye Muuse Suudi.

Dad ka ag dhaw Senetor Muuse Suudi waxay sheegeen in Cali Guudlaawe uu ka hor yimid inuu ka reebo liiska murashaxiinta Aqalka sare utartameyso.

Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, ayaa rumeysan in Muuse oo kursi baarlamaanka laga hor istaaga ay dhaawici karto saameytiisa ballaaran ee uu beesha Hawiye ku dhex leeyahay.

Afartii sano ee lasoo dhaafay oo talada Dalka Nabad iyo nolol maamulayeen ayuu Xaaji Muuse usoo bandhigay afkaartiisa si weyna umucaaradayey falsafada xukun ee farmaajo.

Cali Guudlaawe ayaa dib udhigay liiska aqalka sare murashaxiinta utaagan uu soo bandhigi lahaa,markaas uu ku daray Muuse Suudi uu ku lamaaniyey inay la tartamaan C/llaahi Sheekh Xasan iyo Axmed Xasan Cadoow (Daaci).