XOG Cusub oo laga helay Shirkii wadatashiga doorashooyinka ee Maanta.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magalada Muqdisho waxaa maalintii koowaad lagu soo geba-gabeeyay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimow ayaa sheegay in been abuurta tahay wararka laysla dhexmarayo oo ah in maalinta koowaadba heshiis la gaaray.

“Wararka qaar ee leysla dhexmarayo ee sheegaya in ay jiraan qodobo lagu hishiiyay isla maalinka furitaanka Shirka Wadatashiga Arimaha Doorashooyinka ee uu shir guddoominayay Ra’isu Wasaare Rooble waa been abuur aan sal iyo raad toona laheyn” ayuu yiri macalimow.

Afhayeenka oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri “Shirka jawi wanaagsan ayuu ku bilowday wuuna sii socon doonaa inshallah. Hishiis rasmi ah marka waan idinla wadaagi doonnaa”.

Wararka laysla dhexmaraya baraha Bulshada ayaa sheegaya in durba qodobada qaar laysla fahmay shirka.