XOG Dheeraad Ah Oo Laga Helay Ciidamada Booliska Haramcad Ee La Geeyay Beledweyne.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Dowladda Soomaaliya ayaa saddex diyaaradood oo sida Ciidamo farabadan ka dejisay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan.

Diyaaradaha oo siday Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa laga qaaday Magaalada Muqdisho, iyada oo garoonka diyaaradaha Beledweyne ay kusoo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Wararkii ugu dambeeyayb ee la helayo ayaa sheegaya in Ciidamadii Haramcad ee la geeyay Magaalada la dejiyay Garoonka kubadda Cagta Laqanyo Stadium ee ku yaalla deegaanka Ceeljaale ee duleedka barri ee Baladweyne.

Garoonka ayaa waxaa ka socday tartamo kubadda cagta ah oo Ururka kubadda Cagta Baladweyne oo kashanaya kan Gobolka Hiiraan ay u qabteen Dugsiyada sarre iyo Jaamacadaha ku yaalla halkaas, iyadoo ka saameystay Saldhigyo iyo difaacyo Culus.

Ujeedka Ciidamada Booliska Haramcad loo geeyay Baladweyne ayaa lagu sheegay sidii ay u sugi lahaayeen amniga Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee deegaanada Hirshabeelle oo halkaas ka dhaceysa.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay Ciidamo diyaarado ku geysay Magaaloyinka gobolka Gedo, iyaga oo la wareegay degmooyinka ay gacanta ku hayeen Ciidamada jubbaland, halka Magaalada dhuusamareeb Ciidamadii la geeyay ay meesha ka saareen Maamulkii Ahlusunna ee kasoo horjeeday qaabkii loo dhisay Maamulka gamudug.