Xog dheeraad ah oo laga helay kualnkii safiirka Qatar la sheegay Xoghayaha xafiiska RW.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda  Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Xamze Adan Xaadoow ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta wasaaradda danjiraha dowladda Qatar ee Soomaaliya Amb. Abdullah bin Salem Al Nuaimi.

Xoghayaha Joogtada ah iyo safiirka ayaa ka wada hadlay  xoojinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadidda iskaashiga ka dhaxeeya ee dhinacyada Diblumaasiyadda, horumarinta iyo gargaarka.

Mudane Xamze Adan Xaadoow iyo danjire Abdullah bin Salem Al Nuaimi  ayaa sidoo kale isla soo qaaday booqashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Dr Xasan Sheekh Maxamuud uu horraanta bisha Maarso ku tegi doono dalka Qatar, iyadoo safiirku uu xoghayaha la wadaagay diyaar garowga ay dowladdiisu ugu jirto soo dhoweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Kulankan labada mas’uul waxaa ku wehelinayay Agaasimaha  Habmaamuuska qaranka Abukaate Xirsi Xaaji Culusow iyo agaasimaha waaxda Carabta wasaaradda Mudane Mustaf Aadan Dagaal, iyo sidoo kale saraakiil ka socotay safaaradda Qatar